Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Soomaaliya, oo sheegay in ay fulinayaan amar ka soo baxay Ra’iisul wasaare xukuumadda Federaalka Xassan Cali Khayre, ayaa gebi ahaanba joojiyay qorista Shaqaale cusub.
Qoraal ku taariikhaysan 24-ka bishan November, oo ka soo baxay Guddiga laguna socod-siiyay dhammaan hay’adaha dowladda Soomaaliya, ayaa lagu wargeliyay in aan wax shaqaale ah la qorin karin ilaa iyo amar dambe.
Guddiga ayaa sheegay, in wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda lagu wargelin doono xilliga ay munaasib noqoto qorista shaqaale cusub, balse wixii intaas ka horreeya la joojiyay qaadashada shaqaale cusub.
Hoos ka akhriso qoraalka Guddiga

PUNTLAND POST