Golaha Guurtida Somaliland oo mudda kordhin u sameeyay Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada

Golaha Guurtida Somaliland oo saaka kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa, ayaa mudda kordhin u sameeyay labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland.

Kulanka Golaha Guurtida Somaliland oo ay saaka soo xaadirtay 71 mudane, ayaa 70 xubnood oo kamid ah, waxay u codeeyeen in mudda laba sano ah loo kordhiyo Golaha Wakiilada Somaliland.

Warbaahinta Somaliland ayaa sheegaysa, in mudda kordhintan ay tahay tii lixaad ee Golaha Guurtida Somaliland u sameeyo Golaha Wakiilada, oo haatan xilka haya mudda 15 sannadood ah.

Sidoo kale, Golaha Guurtida Somaliland ayaa kulankoodi saaka, waxay ku go’aamiyeen in ay ka Guurti ahaan wakhtiga xil-hayntooda ku darsadaan mudda kordhin saddex sannadood ah, taasi oo ay cod buuxa ku meel-mariyeen.

PUNTLAND POST