Taliska AMISOM oo war ka soo saaray dilkii ALmaas Elman

Taliska guud ee ciidamada  AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa markii u horraysay war ka soo saaray dilkii magaalada Muqdisho loogu geystay Almaas Elman Cali Axmed.

Taliska ciidamada AMISOM waxay sheegeen inay bilaabeen baaritaanno ku aadan dilka Almaas oo ka dhacay xerada Xalane xilli ay ku sii jeeday  garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Baabuurka waxay ku saarnaayeen 3 qof, labadii qof ee kale waxbo ma gaarin, Almaas Elman iyadoo dhaawac ah waxay ku geeriyootay Isbitaalka AMISOM” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay howlgalka AMISOM.

Waxaa sidoo kale war saxaafadeedka lagu sheegay in AMISOM ay baarayaal u dirtay goobta lagu dilay gabadha isla markaasna ay wareysteen darawalkii baabuurka iyo dad goobjoogayaal ah.

Baaritaanno horu dhac ah ayaa muujinayaa in Almaas Elman ay ku dhacday rasaas habow ah, wax rasaas ah oo laga riday xerada dhexdeeda ma jirin xilligii uu dilka dhacayay, waxaa jiro jiray dhacdooyin dhowr ah oo ku saabsan rasaas habow ah oo horey ugu soo dhacay xerada” ayaa lagu yiri hadalka kasoo baxay AMISOM.

AMISOM waxay sidoo kale sheegtay in si wadajir ah ciidammada dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo ha’yadaha kale ay si buuxda uga shaqeyn doonaan baaritaanka ku aadan dilkii loo geystay Almaas Elman.

PUNTLAND POST