Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii ka horreeyay oo la sheegay in ay shir yeelan doonaan

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo xubno ka socday Madasha la baxday Xisbiyada Qaranka ee  ka dhisan XAMAR ayaa la sheegay in ay xalay kulan gaar ah ku yeesheen magaalada Mudisho.

Kulanka labada dhinac oo ay kala hoggaaminayeen Xog-hayaha guud ee Madasha la baxday Xisbiyada Qaranka Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sida la xaqiijiyay waxaa looga hadlay diyaarinta Ajandayaasha kulan la sheegay in uu maalinta berriya dhexmari doono madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii isaga ka horreeyay ee Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh Maxamuud.

Kulankan ayaa daba-socday  wada-hadal ay dhowaan magaalada Muqdisho ku yeesheen Taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed kaasi oo ku soo beegmay maalmo yar kadib markii Sheikh Shariif  uu hanjabaad kulul hawada u mariyay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay xad-gudub ku samyaysay shuruucda iyo Dastuurka dalka.

Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in uu Sheikh Shariif ka codsaday  in uu la kulmo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si ay uga wada-hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka ka aloosan iyo arrimaha doorashooyinka soo socda oo ay walaac ka muujinayaan xisbiyada Mucaaradka ah.

PUNTLAND POST