Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Baarlamanka hor-geeyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka

Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Xassan Shire Cabdi, ayaa maanta mudanayaasha Baarlamanka horgeeyay odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka.

Odoroska Miisaaniyadda 2020-ka oo dhan $ 346,416,158.99 malyan oo Dollar, ayaa shalay ka soo gudbay  Golaha Wasiirada, kadib markii ay ku ansixiyeen kulan aan caadi ahayn oo ay  ku yeesheen xarunta wasaaradda Maaliyadda ee caasimadda Garoowe.

Wasiirka Xasan Shire, oo xildhibaannada Baarlamanka u akhriyay warbixinta Miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka, ayaa sheegay in wasaaraddu ay  baahiyaha as’aasiga ah  iyo sida ay u kala mudan yihiin, ay ku salaysay odoroska Miisaaaniyadda,  iyadoo lagu xisaabtamayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaada la heli karo.

Miisaaniyadan ay soo gudbiso wasaaradda Maaliyadda Puntland, waxaa ku jira lacago loo qoondeeyay hawlaha horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe –Bosaaso.

sidoo kale,  waxaa kamida  horumarinta adeegyada bulsho ee as’aasiga ah sida hirgelinta ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda  Amniga.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST