Aqalka Cad oo sharxay tijaabo caafimaad oo uu maray Trump

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa mar kale xalay isku dayey inuu muujiyo inay ahayd wax iska caadi ah booqasho lama filaan ah oo madaxweyne Trump uu Sabtidii ku tagay Isbital militari, taasi oo dhalisay shaki ku saabsan caafimaadkiisa.

Dhaqtarka gaarka ah ee madaxweyne Trump, Sean Conley, oo ah Taliya ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in “madaxweynaha uu maray tijaabo caafimaad oo socotay hal saac, shaybaar iyo wada-tashi.

Waxa uu intaas ku daray inaan “madaxweynaha lagu sameyn wax qiimeyn xagga wadnaha iyo neerfaha ah midna.

Conley ayaa ku qeexay booqashada Trump ee xarunta caafimaadka militariga ee Walter Reed National “mid horey loo qorsheeyey oo ah tijaabo qeyb ka ah daryeelka ka hor-tagga,” taasi oo madaxweynaha uu sanad kasta sameeyo.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha “uu tijaabo caafimaad oo intaas ka badan mari doono sanadka cusub.”

Booqashadan ayaan ku jirin jadwal maalmeedka madaxweynaha ee uu baahiyo Aqalka Cad, hase yeeshee Conley ayaa taas ku macneeyey inay sababtay hubinta la’aan xagga jadwalka ah.

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Stephanie Grisham ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynaha uu billaabay “qeyb ka mid ah tijaabo sanadeedkiisa caafimaad,” sababtuna ay tahay inuu helay waqti dheeri ah, xilli uu filayo in sanadkan 2020 uu noqdo mid aad u mashquul badan.

Xigasho: VOA Somali

PUNTLAND POST