Al-shabaab oo shaacisay in ay si rasmiya ula wareegeen degaanka Gacan-maroodi ee gobolka Sanaag

Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa markii u horraysay si rasmiya u shaaciyay in ay la wareegeen degaanka Gacan-maroodi oo ka tirsa degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Qoraal Af-Carabiya oo lagu daabacay warbaahinta SHAHAADA ee taageerta ururkaasi, ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay Axaddii todobaadkan si rasmiya ula wareegeen degaanka Gacan-Maroodi oo qiyaastii 50KM u jirta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay “ Al-shabaab oo qabsatay degaankii ugu horreeyay ee istiraatiijiya oo ka tirsan Somaliland” ayaa lagu soo bandhigay sawirka dagaallamayaasha Al-shabaab oo gudaha u sii galaya degaankaasi.

Af-hayeenka dhanka Hawlgallada u qaabilsan Al-shabaab oo lagu magacaabo, Cabdicasiis Abu-Muscab oo warbixintu soo xigatay, ayaa sheegay in Al-shabaab ay si buuxda gacanta ugu hayaan degaanka Gacan-Maroodi ee istiraatiijiga ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dagaallamayaashooda halkaasi qabsaday ay khudbado u jeediyeen bulshada degaanka, isagoo xusay in ay tahay markii u horraysay ee ay qabsadaan degaan ka tirsan Somaliland.

PUNTLAND POST