Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo cambaaraysay xarigga loo gaystay mas’uuliyiinta mucaaradka iyo Saxaafadda

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland, ayaa si adag u cambaaraysay xarigga ay  Booliska Hargeysa  kula kaceen xubno ka tirsan mas’uuliyiinta Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo warbaahinta Somaliland.

Qorala kasoo baxay xarunta, ayaa lagu cambaareeyay xarigga ay Booliiska Somaliland u gaysteen laba xubnood oo ka tirsan xisbiga Waddani, kuwaasi oo kala ah xog-hayaha guud ee Xisbiga,  Khadar Xuseen Cabdi iyo Af-hayeenkii xisbigaasi, Barkhad Jaamac Batuun.

Xarunta Xuquuqal Insaank Somaliland, ayaa sidoo kale cambaaraysay xayiraadda ay Somaliland saartay Telefishinka Horn Cable iyo Tifaftirihii guud ee telefishinkaasi Cabdiqaadir Cusmaan Coday oo isna xabsiga la dhigay.

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland  ayaa sheegtay in dhammaan ficilladaasi ay yihiin kuwa ka hor-imanaya dastuurka Somaliland.

 Qoraalka Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland, ayaa waxaa ku saxiixnaa Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud oo ah gudoomiyaha Xarunta.

PUNTLAND POST