Madaxweyne Waare oo la kulmay Is-xilqaamayaashii Gurmadka Fatahaadaha

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi waare oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle,  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay Munaasabad Casho Sharaf ah ugu sameeyay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan Wafuud kala duwan oo ka kala socdayPuntland, dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Wafdi ka Socday bulshada iyo ganacsatada magaalada Nairobi oo uu hormuud u ahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Madaxweyne Waare ayaa u Mahad Celiyay gudigaan Isxilqaamayaasha ah iyo dadka Soomaaliyeed oo Si hagar la’aanta ah ee ay ugu soo gurmaday dadka Reer Beledweyne oo ay saameeysay Fatahaadii Webiga Shabeelle.

Munaasabadaan Casho Sharafta ahayd Waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh Cusmaan Barre, Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Marwo Canab Axmed Ciise, qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, Xubnaha labada Gole ee DG Hirshabeelle, maamulka Gobolka Hiiraan, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Beledweyne.

PUNTLAND POST