Jaamacadda Carabta oo soo dhowaysay Heshiiskii ay wada-gaareen Soomaaliya iyo Kenya

Ururka Jaamacadda carabta aya soo dhaweeyay heshiiskii ay wadda gaareen madaxweyne mohamed Abdullaahi Farmaajo iyo uhuru Kenyatta kaas oo ku saabsana soo celinta xiriirka labadda dal.

Qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ee jaamacadda carabta aya lagu yiri “ Xoghaynta Ururka ayaa amaaney doorka hogaamineed ee ay ka ciyaareen Madaxweyne Mohammad Abdullah Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta sidii loo gaari lahaa heshiiskan iyo talaabooyinka labada dhinac ay ka fulinayaan labada dal ee deriska ah.”

Dhanka kale, Dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah dalka Soomaaliya sida AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany,IGAD, Italy,OIC, Sweden, Turkey, Uganda, UNSOM iyo Maraykanka ayaa dhankooda soo dhoweeyay heshiiskii ay madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Beesha Caalamka ayaa rajo weyn ka muujisay in la hirgelin doono qodobada ay ku heshiiyeen labada madaxweyne kuwaasoo sii xoojinaya xiriirka labada dal.

PUNTLAND POST