Dibad-baxayaal kooban oo isugu soo baxay xarunta Xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somalilland, ayaa sheegaya in  saaka xarunta xisbiga Waddani ay ku wada- sugan yihiin dibad-baxayaal tiro yar iyo ciidanka Booliiska.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro, ayaa shalay taageerayaasha Xisbiga ugu baaqay in ay isugu soo baxaan xarunta xisbiga uu ku leeyahay caasimadda Hargeysa, si loogu gudbiyo farriin muhiima oo Somaliland lagu badbaadinayo

Balse, taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi  ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax bannaanbax oo lagu qaban karo Magaalada Hargeysa “Mudaharaadku sharci buu leeyahay, sharci wax aan waafaqsaneynna yeeli meyno” ayuu yiri taliyaha.

Sidoo kale, Booliiska Somaliland ayaa xalay  xabsiga dhigay af-hayeenka xisbiga Wadani, Barkhad Jaamac Batuun  iyo xoghayaha xisbigaasi  Khadar Xusseen Cabdi, taasi oo sii kululaysay xiisadda siyaasadeed ee u dhexaysa xukuumadda iyo mucaaradka.

Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo mucaaradka ayaa maalmihii u dambeeyay is-dhaafsanayey hadalo kul-kulul oo ku saabsan muranka ka taagan guddiga doorashooyinka. Xisbiga Wadan ayaa sheegaya in laba xubnood oo uu soo xulay Madaxweynaha ay yihiin sharci darro.

PUNTLAND POST