Ciidamada Puntland oo nin siyaasiya ku jir-dilay magaalada Badhan

Ciidamada Amniga Puntland ayaa la sheegay in gudaha magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ay jir-dil xooggan ugu gaysteen siyaasi lagu magacaabo Khadar Xaaji Xarigle  oo shalay warbaahinta ka sheegay in uu yahay guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Maakhir State.

Ciidamada oo doonayey in ay qabtaan siyaasiga ayaa jir-dil u gaystay kadib markii sida la sheegay uu iska caabbin sameeyay waxaana markiiba loola cararay isbitaalka guud ee degmada Badhan halkaasi oo lagu daaweynayo dhaawaca soo gaaray.

Askartii jir-dilka u gaystay siyaasi Khadar Xaaji Xarigle  oo markii hore doonayay in ay xabsiga dhigaan ayaa isaga tegay dhaawiciisa maadaama ay nabarro culus ku yaallaan sida ay sheegeen qaar kamid ah  saaxiibadiisa oo ku booqday isbitaalka.

Siyaasiga oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu yahay guddoomiyaha Maakhir State waxaana uu dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay maamul gaar ah u samayso gobolkaasi Sanaag.

PUNTLAND POST