Golaha wasiirada Somaliland oo ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka

Kulankii lagu ansixiyay Miisaaniyadda

Golaha wasiirrada Somaliland, ayaa maanta oo Axad si rasmiya u ansixiyay oddoroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka.

Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka oo ay golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somalilnad, ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in oddoroska Miisaaniyadda cusub uu diiradda saari-doono arrimaha nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka degaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in meelaha la oddorasayo in ay miisaaniyadda cusubi ka imaan doonto, ay kamid tahay cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo halbawle iyo u ah as’aaska dawlad-nimada.

Miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka, waxaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay dhammaanba xubnihii golaha wasiirrada ee kulanka ku sugnaa, sida uu sheegay Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST