Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadceliyey Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE booqashada uu ku yimi Puntland, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in miro dhalka kulankan uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wuxuu ahaa kulan muddo badan qaatay oo dhinacyo kala duwan oo arrimaha Soomaaliya iyo dhinacyada ay Dowladda UK kaga taageerto Soomaaliya Guud ahaan iyo Gaar ahaan Puntlandba taabanayey. Waxaana rajeynayaa in miro dhalkiisana uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha intaba, waana uga mahadcelinayaa kulankii quruxda badnaa ee maanta na dhexmaray” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi.

Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen sidii Doorashada Soomaaliya ugu dhici laheyd wakhtigeeda.

Waxaan yeelanay wada hadal miro dhal ah sida Madaxweynuhu sheegay, wuxuuna ku saabsana Iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo UK, Xiriirkaasi oo ah mid qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, sida Horumarka dhaqaalaha , Shaqo abuurka, Gargaarka Baniáadanimo, Iskaashiga dhanka Siyaasada iyo arrimo kale oo badan.”

Ugu danbeyn Danjiraha Dowladda Britain ee Soomaaliya Ben Fender OBE ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu ku soo laabto Puntland, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guud ahaan Dowladda Puntland soo dhoweynta iyo qaabilaada wanaagsan.

Halkaan riix si aad u daawato muuqaalka

PUNTLAND POST