Dowladda Puntland oo shaacisay in xal rasmiya laga gaaray ciidamo gadood ka sameeyay Boosaaso

Wasiir Dhabancad

Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo maalmihii la soo dhaafay gadood ka sameeyay gudaha magaalada Boosaaso, balse markii dambe xal laga gaaray cabashadii ay qabeen.

Wasiirka ayaa sheegay, in ciidanka gadoodka sameeyay markii ay galeen magaalada Boosaaso ay isku dhaceen ciidan kale oo booliis ah, halkaasina uu ka dhashay khasaare kala duwan, laakiin aysan dhibaato kale ka gaysan gudaha magaalada Boosaaso mudadii ay ku sugnaayeen.

Mudane Dhabancad, ayaa sidoo kale tilmaamay, in mas’uuliyiinta dowladda Puntland oo kaashanaya odoyaasha dhaqanka iyo culimada  ay ku guulaysteen in xal laga gaaro cabashooyinkii ay qabeen ciidanka dowladda ee gadoodka sameeyay, islamarkaana maanta dib loogu soo celiyay fariisimihii ay hore ugu sugnaayeen.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay odayaasha dhaqanka iyo culimaa’uddiinka magaalada Boosaaso oo sida uu sheegay door aad muhiima ka qaatay xal u helidda tabashooyinkii sababay in ay gadood sameeyaan ciidanka.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST