Baarlamanka Puntland oo ansixiyay guddiga doorashooyinka Puntland

Mudanayaasha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya cod aqlabiyad leh ku ansixiyay, guddiga doorashooyinka ku meel gaarka Puntland ee (TPEC).

Kulanka maanta oo uu shir-guddoominayey, guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,  ayaa waxa soo xaadiray 50 mudane oo dhammaantood cod gacan-taag ah ku ansixiyay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland.

Guddiga ayaa ka hor inta aan codka kalsoonida loo qaadin, waxa ay mid-mid taariikh-nololeedkooda uga hor-jeediyeen xildhibaannada golaha wakiilada.

Guddiga doorashooyinka Puntland ,ayaa waxa horyaalla shaqooyin muhiima oo ay kamid yihiin;  diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, xuduudaynta degmooyinka Puntland iyo  qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka.

PUNTLAND POST