Qaramada Midoobay oo kordhinaysa Cuna-qabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya

Maanta 15 Nofembar, 2019, waxaa gelinka dambe kulan yeelanaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka doodi doona kordhinta cunaqabateynta qeybta ah ee hubka ee saaran Soomaaliya. Dowladda UK ayaa ka ah gal-hayaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay:

– 25-kii Oktoobar waxaa Golaha warbixin guud siiyay danjiraha Belgium, Marc Pecsteen de Buytswerve oo ah Guddoomiyaha Guddiga Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya. Waxaa isla kulankaan warbixin ka akhriyay Wakiilka Dowladda UK oo hadda ah dowladda heysa qalinka Soomaaliya marka la joogo Golaha Ammaanka.

– Dowladaha France, Germany, UK iyo Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay Dowladda Soomaaliya intii uu socday kulankii 25-kii Oktoobar. Waxaa Soomaaliya lagu canaantay inaysan si wanaagsan uga soo bixin waajibkeedii ahaa inay la shaqeyso Kooxda Baarayaasha QM ee UN MONITORING GROUP.

MAXAA KU CUSUB?

– 7dii Nofembar, 2019 ayaa si hoose loo dusiyay qoraal qabyo ah oo qeexaya waxyaabaha ay ka kooban tahay cunaqabateyntan waqtigeeda la kordhinayo ee qaraarkeedu ay keentay UK.

– Waqtiga Kooxda Baarayaasha Qaramada Mibooday ee Soomaaliya (Monitoring Group) ayaa loogu kordhiyay inay shaqadooda sii wataan illaa 15 December 2020, taasoo ka dhigan in shaqada Monitoring Group ay sii socon doonto.

– Qaraarka cusub wuxuu sii xoojinayaa mamnuucistii saarneyd dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

– Dowladda Soomaaliya ayaan loo ogoleyn inay keensato ama soo iibsato hubka waaweyn oo ay ku jiraan madaafiicda, waxyaabaha qarxa iyo lidka diyaaradaha.

– Hubka fudud oo ay ku jiraan qoryaha gacanta lagu qaato ayaa sidoo kale laga rabaa in ogeysiis la siiyo Guddiga Monitoring Group ka hor inta aanay Dowladda Soomaaliya keensanin dalka.

– Sidoo kale tababarayaasha iyo caawiyaasha militariga ee u imaanaya inay tababaraan ciidamada Soomaaliya, ayaa laga doonayaa in lagu soo wargeliyo Guddiga Baarayaasha ee UN MONITORING GROUP kahor intaysan dalka u imaan hawl tababar.

– WAXAA gebi ahaanba la mamnuucay noocyada kiimikada ee loo adeegsan karo sameynta qaraxyada, sidaa darteed waxaa dhammaan Dowladaha Adduunka iyo muwaadiniintooda ka reebban inay ku lug yeeshaan iibinta iyo qaadista kiimikada kala duwan ee u socota Soomaaliya.

KU XADGUDUBKA XUQUUQDA DUMARKA & CARRUURTA

– Dowladda Germany ayaa dalbatay in qaraarka cusub iyo waajibaadka Kooxda Baarayaasha lagu daro ka soo xog waramidda dhacdooyinka xadgudubyada ah ee ka dhanka ah dumarka (sida kufsiga iyo dhibaatooyinka kale) iyo ku xadgudubka xuquuqda carruurta oo ay ku jirto carruurta laga dhigo askarta.

WQ: Cabdalle Axmed Muumin