Qaramada Midoobay oo $18.7 milyan oo Doollar ku bixisay gurmadka Fatahaadaha Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay lacag gaaraysa $18.7 milyan oo Doollar ay ku bixiyeen gurmadka fatahaadaha iyo daadadka dhowaan ka dhacay qeyba kamid Soomaaliya.

War laga soo saaray Xafiiska QM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in dhaqaalahani kor loogu qaadayo  howlaha gargaar fidinta iyo badbaadinta nolosha in ka badan nus Malyuun Qof oo ay saameeyeen fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya.

Adam Abdelmoula, oo ah isku-duwaha arrimaha Bini’aadminnimada ee Soomaaliya, ayaa sheegay in lacagaha laga helay Sanduuqa wax qabadka deg-degga Qaramada Midoobay ee (CERF)  iyo Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya ee (SHF) ay Gacan ka geysan doonaan yareynta waxyeellada daadadka iyo fatahaadaha soo noqnoqda.

Isku-duwaha ayaa intaa ku daray in dhaqaalahani uu ku beegmay xilligii loo baahnaa, si loo caawiyo Dadka sida aadka ah u nugul ee ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen, kuwaas oo u baahan Hooy, Biyo nadiif ah, Cunto iyo gar-gaar caafimaad.

PUNTLAND POST