Maxkamadda ICC oo ogolaatay in la baaro xasuuqii loo geystay muslimiinta Myanmar

Maxkamadda Cadliga Adduunka ee  (ICC), ayaa oggolaatay in baaritaan buuxa lagu sameeyo, denbiyada lagu soo eedeeyay dowladda Purma ee ku saabsan xasuuqa loo geystay  dadka Rohingya ee ku nool gobolka Rakhine.

Garsoorayaasha maxkamada ICC,  ayaa maalintii shalay  taageeray codsiga dacwad oogayaasha ee la xiriira in la baaro eedeymaha loo heysto xukuumadda Myanmar ee ku aadan gaboodfalka dhanka Qowmiyadda muslimiinta Rohingya.

in ka badan 740,000 Rohingya ayaa lagu qasbay in ay ka barakacaan  degaankooda,una baxsadaan gudaha dalka Bangaladesh,taasoo Qaramada Midoobay ay falkaasi ku sheegtay ama ku tilmaantay in uu ka dhigan yahay xasuuq iyo dambiyo dagaal.

Bisha Sebtember Sanadkii 2018-kii Xeer ilaaliyaha guud ee ICC Fatou Bensouda,  ayaa loo ogolaaday in ay  furto baaritaan hordhac ah oo ku socda dowladda dalkaasi, kadib markii ay dalbatay in la bilaabo baaritaanka.

PUNTLAND POST