Boosaaso: Ciise Yulux oo dib ugu laaban doona Carmo

Isimada Bari

Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa xal ka gaaray xiisadii ka taagnayd magaalada Boosaaso ee u dhaxeysay madaxda PDG iyo dowladda.

Kulamo ay saacadihii ugu dambeeyey isimada gobolka Bari la yeesheen masuuliyiin ka tirsan dowladda, madaxda shirkadda PDG iyo saraakiishii hogaaminayey ciidamadii Carmo ka yimid ayaa ugu dambeyn is fahan laga gaaray, sida ay ogaatay PUNTLAND POST.

Arrinta ugu weyn ee laysku afgartay ayaa ah in ciidamadii ka soo ruqaansaday Carmo ay dib u laabaan iyo sidoo kale in wada hadal lagu dhameeyo khliaafka sababay arrintan.

Sida ay ogaatay PUNTLAND POST berri oo Sabti ah waxaa degmada Carmo dib ugu laaban doono ciidamadii uu hoggaaminayey Ciise Yulux ee Arbacadii la soo dhaafay soo galay Boosaaso.

Ciidamadan oo Daraawiish iyo maleeshiyo beeleed isugu jira waxaa sii galbin doono isimada iyo masuuliyiin, si aysan isugu dhicin ciidamada ku sugan inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Carmo.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa cabsi laga qabay dagaal ka dhaca magaalada Boosaaso oo maalmihii ugu dambeeyey ku qulqulayeen ciidamo.

PUNTLAND POST