Puntland: Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo la kulmay gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland uu maanta doortay Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, wuxuuna illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka loo igmaday.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo isna qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay.

Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada

PUNTLAND POST