Muxuu ballan-qaaday Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Puntland?

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland, Cabdirashiid yuusuf Jibriil oo khudbad u jeediyay mudanayaasha Baarlamanka, ka hor inta aan la dooran, ayaa soo bandhigay waxqabadkiisa, haddii uu ku guulaysto hoggaanka Baarlamanka.

Guddoomiyaha cusub ayaa ballan-qaaday in uu ilaalin doono ku dhaqanka Shuruucda iyo Dastuurka dowladda Puntland, islamarkaana uu la xisaabtan gelin doono Barnaamijyada Xukuumadda Puntland ay u soo bandhigto Golaha Wakiilada, si hufnaan loogu adeego bulshada.

Sidoo kale, wuxuu ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono, dhawrista Xasaanadda mudanayaasha iyo sare u qaadidda aqoontooda, si loo heho xildhibaanno fahamsan Xeerarka iyo Dastuurka Puntland, kuna dhaqma Shuruucda dalka.

Mudane Jibriil ayaa dhinaca kale tilmaamay,  in uu difaaci doono Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo sida uu sheegay ay fara-gelin xooggan ku hayso xukuumadda Federaalka, isagoo xusay in uu Golaha Shacabka Federaalka kula xisaabtami doono saamiga ay Puntland leedahay.

Guddoomiyaha oo mar kale guushiisa kadib hadal kooban jeediyay ayaa yiri “ Iftiin baa ii muuqda, waxaan arkaa midnimada Puntland oo lama taabtaan ah, waxaan arkaa  dhulka Puntland oo aan cadowgu ku soo dhiirran Karin”.

Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan

PUNTLAND POST