Madaxweyne Farmaajo oo si adag u dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradsan dowladdiisa

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa sheegay in uu  ku bogaadinayo ganacsatada dareenka waddaniyeed ee ay u qabaan dalkooda iyo doorka ay ka qaataan xal u helista duruufaha ku xeeran.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada uu hoggaaminayo ee ku saleysan taabbo gelinta hannaan dowladeed oo maamuus leh, ayna ku faani karaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku boorriyay ganacsatada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Safaaraddeena Nayroobi si ay u yeelato muuqaal ka tarjumaya hiigsigeenna qaran, hanka iyo kartida ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

Dhismaha Safaaraddan idiinka iska leh. Waxaa loo baahan yahay in aad dib u dayactirtaan oo kaalin weyn aad ka qaadataan, si dadka shisheeye aynu ugu muujinno wajiga dhabta ah ee Soomaaliya iyo hawlkarnimada dadkeenna.”

Dhinaca kale, madaxweyne farmaajo waxa uu si adag u dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradsan dowladdiisa “ Siyaasiyiinta bannaanka taagay ee hor-taagan idaacadaha iyo facebook-yada ka qeylinaya kuligood waa shaqo doon, oo waxay yaqaaneen wixii ay soo dhadhamiyeen maalin walba waxbaa la bedelaa in la abuuro siyaasiyiin cusub oo aan laga faa’ideysan” ayuu yiri mudane Farmaajo.

Munaasabadan oo lagu qabtay xarunta Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya waxaa ku wehliyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Danjire Maxamuud Axmed Tarsan, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade, La-taliyeyaal iyo diblomaasiyiinta ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Nayroobi.

Hoos ka daawo khudbadiisa iyo sawirada

PUNTLAND POST