Doorashada guddoomiyaha Baarlamanka Puntland

Doorashada guddoomiyaha Baarlamanka ee saaka dhacaysa, waxa ku tartamaya  saddex musharrax oo kala ah; Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cali Axmed Dhahar iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Saddexda musharrax, ayaa maalmihii la soo dhaafay waday loollan ku aaddan kala jiidashada xildhibaannada Baarlamanka Puntland, inkastoo doorashadan lagu tilmaamay mid ka saamayn yar tii lagu doortay guddoomiye Cabdixakiin Dhooba-daareed.

Sida ay sheegayaan xeel-dheerayaasha Siyaasaddu, doorashadan kama muuqdo abaabul xooggan iyo loollan adag, sida tii dhacday 4-Jannaayo ee sannadkan oo lagu doortay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Balse, haddana waxay saadaalinayaan in musharrax Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu yahay midka ugu fursadda fiican, marka loo eego abaabulka ol’olihiisa iyo miisaanka siyaasadeed ee uu ku leeyahay gobolka Sanaag.

PUNTLAND POST