Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland

Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Puntland, ayaa maanta guddoomiye cusub u doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kadib markii ay todobaadkii hore xilka ka xayuubiyeen guddoomiyihii hore, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 63 mudane, ayaa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 46-cod ka helay wareegii labaad, halka musharrixii ku soo xigay Cabdi jamaal Cismaan Maxamed uu isna helay 17-cod.  Saddex xubnood oo keliya  ayaa ka maqnaa fadhiga Baarlamaanka.

Doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, waxaa ku tartamay saddex musharrax oo kala ah, guddoomiyaha la doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cali Axmed Dhahar  iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf waxaa uu siyaasadda Puntland ku soo biiray sannadkii 2014, xilligaasi oo uu agaasimaha waaxda Warfaafinta ka noqday madaxtooyada Puntland, isagoo xilkaasi hayay 5-tii sano ee xukuumadii Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Sidoo kale, Baarlamaanka Puntland ayuu ku soo biiray sannadkan 2019, waxaana laga soo doortay degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha cusub ayaa lagu tilmaamaa shakshi saamayn weyn ku leh siyaasadda Puntland ee ku wajahan arrimaha gobolka Sanaag.

PUNTLAND POST