Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya koonfurta gobolka Mudug, ayaa in halkaasi uu ka dhacay weeraray sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka oo ka dhacay degaanka Dhagtuur oo ku yaalla koonfurta  gobolka Mudug, ayaa sida la sheegayo lala beegsaday dad Dhuxusha halkaasi ka shidi jiray, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay hal ruux mid kalena waa ku dhaawacmay.

Wararku waxay sheegayaan, in malayshiyaad degaanka u dhashay oo ka caraysan shidista Dhuxusha ay weerarka gaysteen, kadib markii kooxda Dhuxusha shidaysay ay ka dhega-adaygeen amar horay uga soo baxday bulshada degaanka oo lagu joojiyay Dhuxul-shidista.

dadka degaanka Dhagtuur, ayaa horay awaamiir uga soo saaray joojinta jarista Dhirta iyo gubista Dhuxusha, taasi oo sida ay sheegeen xaaluf iyo nabaad-guur ba’an u keenaysa dhulka xoola-daaqeenka ah.

PUNTLAND POST