Wasiir Bidhaan: Waxaa yaraaday Kalluumeysiga sharci darrada ee Badda Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo hay’aadaha iyo dowladaha deeq bixiyayaasha ayaa shir ku yeeshay Washington.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’aadaha kala ah FAO ,EU , USAID, DFID, masuuliyiin ka socotay dowlada Talyaaniga, Midowga Yurub iyo madaxda Mashruucyadda GEEL iyo CCAP  kuwaas oo wada shaqayn kala dhaxayso Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya.

Ajandaha shirka ayaa ahaa sii wax la iskaga waydiin lahaa xog uruurintii la sameeyay iyo sidii la iskula wadaagi lahaa, sidii looga wada hadli lahaa qaabka bixinta shatiga Kalluumeysiga iyo cusbooneysiinta habka cusub ee laysan bixinta, casriyeyn ku saabsan hindisaha xogta kalluumeysiga iyo heshiiska wadaagida dakhliga ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda. 

Wasiir Bidhaan oo kulanka hadal kooban ka jeedayay ayaa sheegay in qorshaha 2020-ka Wasaaradda ee bixinta shatiga sanadkan furo u noqon doono dakhli kororka dowladda, waxaana uu intaas ku daray inay yaraatay qaabka ka Kalluumeysiga sharci darrada.

Balse Bidhaaan ayaa xusay in ay jiraan kiisas dhowra oo dhacay sanadkaan oo gacanta lagu hayo dadkii sida sharci darrada u Kalluumeysanayay iyo doomohoodii.

Shirkan ayaa ku soo aaday iyadoo dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay aad isugu khilaafsan yihiin arrimaha Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda.

PUMTLAND POST