Shir Caalamiya oo ku saabsan Horumarinta Dadweynaha oo maanta ka furmaya magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, waxaa Talaadada manta ah ka furmaya shir caalamiya oo ku saabsan Horumarinta Dadweynaha.

Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyay Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Horumarinta Dadka (UNFPA), ayaa looga hadlayaa  qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer Qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Soomaaliya waxaa shirka uga qeyb-galaya madaxweyne Farmaajo, oo isaga iyo wefdi uu hoggaaminayo ay shalay gaareen magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi Kenya. Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku weheliya; Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade) iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Madaxweynaha,  waxa halkaasi uga sii  horreeyay diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST