ONLF oo dooratay Guddoomiye cusub

Ururka ONLF ayaa caawa magaalada Godey ee dowlad deegaanka Soomaalida oo maalmihii la soo dhaafay shir-weyne uga socday ku dooratay Guddoomiye cusub.

Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee ururka ONLF, ka dib markii uu helay 340 cod oo ka mid ah ku dhawad 600 oo ergo oo codeynayey, halka ninkii la loolamayey Axmed Yaasiin uu helay 251 cod.

Maadey ayaa ka mid ahaa asaasayaashii ururka ONLF, wuxuuna ku jiray Guddiga fulinta.

Cabdiraxmaan Sh. Mahdi Maadey

Ururka ONLF ayaa muddo dheer ku jiray halgan uu ku doonayay in ku xoreeyo deegaanada Soomaalida Itoobiya balse waxay heshiiyeen dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, markii laga saaray liiska argagixisada kaddib isbaddalladii ka dhacay dalka Itoobiya.

ONLF ayaa hadda ka dib noqonaysa xisbi siyaasadeed, waxaana u qorsheysan in ay ka qeybgalaan doorashada soo socota ee deegaanka Soomaalida ka dhici doonta sannadka dambe.

PUNTLAND POST