Maxkamada sare ee Soomaaliya oo dhegaysan doonta dacwad uu dowladda ka gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maalmaha soo socda la qaadi doono dacwad Xisbiga Himilo Qaran ka soo gudbiyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xisbiga Himilo Qaran, ayaa bishii October ee sanadkan Maxkamadda sare ee dalka dacwad geystay,kadib markii Garoonka Aadan-Cadde loo diiday in uu ka dhoofo Hoggaamiyaja Xisbiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xilligaasi u safri lahaa magaalada Kismaayo, si uu uga qeyb-galo caleema-saarkii Axmed Madoobe.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka  oo la hadlay laanta Afka Soomalaiga ee VOA-da ayaa sheegay in dacwaddaas ay u gudbiyeen Hay’adda Saadaasha Hawada oo laga dacwoonayey,isla markaana maalmaha soo socda la baabi doono dhegaysiga dacwaddaasi.

Waxaa uu sheegay in Sharciga Garsoorka dalka uu qabo hadii Xisbi uu dacwad u soo gudbiyo ina y u sii gudbiyaan dadkii laga dacwoonayay markii ay kasoo jawaabaana dacwada la qaado.

Sidoo kale, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa xusay in dacwadaan ay tahay mid Sharci ah,isaga oo meesha ka saaray in ay faragelin kaga imaan karto dhinaca xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST