Wefdigii Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh oo la fasaxay

Wefdiga ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore ee dalka Xassan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo saaka lagu xannibay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa sida la xaqiijiyay hadda loo fasaxay safarkoodi Beledweyne.

Wefdiga ayaa saacado ku xayirnaa garoonka, iyadoo  diyaaraddii qaadi lahayd loo diiday in ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii amar ka soo baxay dowladda la duldhigay maamulka garoonka in aysan fasixi Karin diyaaraddaasi.

Dowladda ayaa markii dambe ogolaatay in la fasaxo diyaaradda, islamarkaana wefdiga ay u amba-baxaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay gaarsiin doonaan gurmad loogu tala-galay dadka ku waxyeelloobay fatahaadda webiga Shabeelle uu ka sameeyay Beledweyne.

Gurmadka waxaa bixiyay Madasha la baxday Xisbiyada Qaranka, oo ay ku midaysan yihiin inta badan Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho, kuwaasi lacag dhan $200,000 oo dollar ugu deeqay gurmadka fatahaadda Beledweyne.

PUNTLAND POST