Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh oo lagu xannibay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in muran ka aloosanyahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaddib markii maamulka Garoonka uu amray in aysan halkaasi ka dhoofi karin wefdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sida laga soo xigtay ilo’ xog-ogaal ah, diyaaraddii qaadi lahayd wefdiga ayaa lagu xannibay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii amar ka soo baxay dowladda la duldhigay maamulka garoonka in aysan fasixi Karin diyaaraddaasi.

Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh, ayaa sida la sheegayo weli ku xayiran qeybta VIA-da ee gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana halkaasi ka taagan muran ka dhashay xannibaadda wefdiga.

Madasha Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho oo uu hoggaaminayo Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa  ayaa todobaadki hore ku dhawaaqay in ay gurmadka fatahaada Beledweyne ugu deeqeen  lacag dhan $200,000 oo dollar, si ay ugu caawiyaan dadka ku waxyeelloobay fahataadda.

PUNTLAND POST