Ra’iisul wasaare Khayre oo ka baaqday safarkii Beledweyne

Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo lagu waday in ay maanta u safraan magaalada Beledweyne ayaa socdaalkaasi ka baaqday.

Safarka Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa sida la sheegayo ku beegmay safar kale oo ay Beledweyne ku tegayaan madaxweynayaashii hore Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh Maxamuud, kuwaasi oo ka socda Xisbiyada mucaaradka ee ka dhisan magaalada Muqdisho.

 Wefdi hor dhordhac u ahaa Ra’iisul Wasaaraha oo ka kooban  xubno ka tirsan xafiiskiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde ayaa lagu amray  in ay dib uga soo laabtaan, iyadoo lagu wargeliyay in Ra’iisul wasaaruhu baaqday.

Dhinaca kale, madaxweynayaashii hore Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh oo saacado kooban saaka lagu xannibay garoonka Muqdisho, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Beledweyne, ayaa markii dambe loo ogolaaday in ay safarkooda sii wataan.

Baaqashada Ra’iisul wasaare Khayre ayaa loo badinaya in ay la xiriirto, maadaama ay isku beegmeen labada wefdi ee mucaaradka iyo dowladda, balse xubno ka tirsan xafiiskiisa waxa laga soo xigtay in ay u baaqdeeen, kadib markii roobab ka da’ay Beledweyne ay garoonka xireen.

PUNTLAND POST