Gen Canshuur: Ciidanka wax saamayn ah kuma yeelan xilka qaadistii Dhoobo-daareed

S/guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur

Taliyaha Qeybta 9-aad ee ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay gobolka Sanaag S/Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur oo si kooban ula hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray in xilka qaadistii guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ay wax saameyn ah ku yeelatay ciidanka.

waxa weeyaan wararka la leeyahay Somaliland baa ciidamo ku noqonayaan iyo wax lamid ah midna ma ogin, ciidamadu waajibaadkoodi iyo shaqadoodii way haystaan, dhammaan waxay ku sugan yihiin fariisimahoodi awalna waa ku sugnaayeen haddana waa ku sugnaanayaan, hawlaha siyaaasadduna wax ciidanka u yaalla maaha” ayuu yiri Canshuur.

Taliye Canshuur ayaa dhinaca kale Somaliland ugu baaqay in ay ciidankeeda  kala baxdo degaanka Yubbe ee bariga magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo 11-kii Maarso ee sannadkan ay qabsadeen ciidamada Somaliland.

Somaliland waan ugu baaqnay waana u sheegnay, wixii halkaa dhibaato iyo khasaaro ka yimaada in ay iyagu qaadayaan,waxaana ku raja-weynahay si dhakhso ah in ay u qaataan malayshiyooyinkooda ay halkaa keensadeen” ayuu sii raaciyay Gen Cansuur isagoo ku hanjabay “haddii aysan qaadan waxa xigaya in tallaabo ciidan laga qaado oo laga fuliyo”.

Gen Canshuur ayaa ku cel-celiyay in si dhakhso ah Somaliland tallaabo looga qaadi doono, haddii aysan la bixin ciidankooda haysta degaanka Yubbe ee gobolka Sanaag.

Hoos ka daawo wareysiga

PUNTLAND POST