Shirkadda Twitter oo xirtay akoonno ay leeyihiin koox mucaarad ku ah dowladda Iiraan

Shirkadda Twitter ayaa hawada ka saartay akoonno ay Twitter  ku leeyihii koox mucaarad ku ah dowladda Iiraan oo ku sugan waddanka Mareykanka iyo taageerayaashooda, kadib markii lagu eedeeyey in ay ku xad-gudbeen shuruucda shirkadda Twitter-ka.

Cinwaan uu  barta Twitter-ka ku lahaa  ururka the Organization of Iranian American Communities oo loo soo gaabiyo OIAC oo ah hay’ad taageerta waxay ugu yeerto “halganka isbadalka dimuqraadiyadda” ayaa la xiray Arbacadii. Akoonkan ayaa waxaa ku tixnaa in ka badan lix kun oo qof.

OIAC ayaa ka war heshay in bartoodii Twitter-ka la xiray xilli ay ku guda jireen kulan ay soo agaasintay hay’addu oo ka socday xafiiska golaha senate-ka ee Dirkson ee magaalada Washington, kaasi oo looga hadlaayay waxa ay hay’aadu ugu yeertay “kororka caburinta gudaha iyo gardarrada gobolka ee Tehran.”

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Ted Cruz iyo John Boozman oo ah laba senetaor oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Alex Arzabak oo ka tirsan xubnaha OIAC oo la hadlay laanta Persian eeVOA ayaa sheegay in kooxdooda warbaahinta bulshada u qaabilsan ay ka war heshay in akoonkooda guud ee ururka la xiray xilli ay damacsanaayeen in ay faafiyaan warbixinnada la xiriira kulankaasi.

Arbazak ayaa sheegay in ay tahay markii u horreysay ee ay shirkadda Twitter xirto akoonka guud ee OIAC.

Arzabak iyo laba haween ah oo kale oo iyana akoonadooda Twitter-ka la xiray ayaa sheegay inaan loo sii sheegin in akoonnadooda la xiri doono iyo iney ku xadgudbeen sharciyada guud ee shirkadda Twitter-ka.

PUNTLAND POST