Xildhibaannada golaha Wakiilada Puntland oo lagu wargeliyay in ay saaka soo xaadiraan xarunta Baarlamanka

Xoghayaha Baarlamanka Cabdirisaaq Xiddig

Xog-hayaha guud ee golaha Wakiilada dowladda Puntland Cabdirisaaq Xiddig Warsame oo gelinkii dambe ee xalay farriimo u diray mudanayaasha Baarlamanka, ayaa ku wargeliyay in saaka oo Khamiis ah ay soo xaadiraan fadhiga golaha.

ASC mudanayaal, waxaa lala socod-siinayaa mudanayaasha in uu jiro fadhigii golaha beri oo Khamiis ah kuna beegan 7 November 2019. Allaa mahadleh xoghayaha guud ee GW” ayaa lagu yiri qoraalka wargelinta ah ee uu xildhibaannada u diray xoghayaha Baarlamanka.

Wargelintan ayaa burinaysa fasax saddex maalmood ah oo guddoomiye Dhoobo u diray mudanayaasha golaha wakiilada, kaasi oo ka bilaaban lahaa Khamiista saaka, islamarkaana dib la isugu soo laaban lahaa maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo socda.

Sidoo kale, waxay ku soo beegmatay, xilli habeennimadii xalay iska hor-imaad kooban ka dhacay xarunta Baarlamanka, kaasi oo u dhexeeya ciidamo ku sugnaa xarunta iyo ciidamo kale oo halkaasi tegay.

Iska hor- imaadkii xalay, ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay saddex ruux oo midkood shacabyahay, halka ay ku dhaawacmeen, afar kale.

Xarunta Baarlamanka, waxa haatan amnigeeda la wareegay ciidamo isku dhafa oo dowladda ka socda, waxaana halkaasi saqdii dhexe ee xalay laga saaray ciidan horay u joogay, kadib waan-waan ay sameeyeen odayaasha dhaqanka.

PUNTLAND POST