In ka badan 40 mudane oo mooshin ka gudbiyay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo

In ka badan 40 mudane oo ka tirsan xildhibaannada golaha Wakiilada Puntland, ayaa mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), kadib markii ay ku eedeeyeen in uu ku kacay falal jebinaya Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamanka.

Xildhibaannada mooshinka gudbiyay, ayaa guddoomiyaha ku eedeeyay, in uu xarunta golaha soo dhoobay malayshiyaad uu soo urursaday, islamarkaana uu jebiyay qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada.

Sidoo kale, waxay ku eedeeyeen in uu ilaalo hubaysan la soo galay hoolka shirarka ee Baarlamanka oo sida ay sheegeen mamnuuc ka ah, in lala soo galo hub iyo ciidan, taasina ay jebinayso xeer-hoosaadka, gaar ahaanna qodobka 55-aad ee Xeer-hoosaadka fiqraddiisa 3-aad.

Qodobada kale ee xildhibaannada mooshinka keenay ay ku soo eedeeyeen guddoomiyaha, waxaa kamid ah; in uu awooddii golaha uga faa’idaystay sida uu jecel yahay iyo in uu jebiyay 59-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ay wada-shaqeeyaan saddexda hay’adood ee dowladda si sharciga waafaqsan.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale xusay in guddoomiyuhu uu lumiyay dhex-dhexaadnimadii gudaha Baarlamanka, iyagoo ku eedeeyay in uu eex iyo xad-gudub ku sameeyo xildhibaanada aan isaga la fikirka ahayn.

Mooshinkan oo loo gudbiyay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland, ayaa sida qorshaysan loogu codeyn doonaa, fadhiga golaha Wakiilada ee saaka oo Khamiis ah.

PUNTLAND POST