Garowe: Khasaare ka dhashay is-rasaaseyn ka dhacday xarunta Baarlamaanka

Ciidamo kawada tirsan Puntland ayaa caawa fiidkii isku rasaaseeyey afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka Puntland, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamo horey ugu sugnaa xarunta Baarlamaanka Puntland iyo ciidamo kale oo la sheegay in ay doonayeen in ay kala wareegaan ayaa muddo labaatan daqiiqo ku dhow rasaas xoogani ku dhexmartay afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka.

Isku dhacan inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay Ganacsade Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo xarun ganacsi halkaas ku lahaa, iyo labo askari, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale.

Inkastoo rasaastii istaagtay, hadana waxaa wali agagaarka xarunta Baarlamaanka Puntland ku sugan ciidamadii ku dagaalamay.

Arintan ayaa la aaminsan yahay in ay ka dhalatay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Maanta ayey ahayd markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu fasax saddex beri ah galiyey mudanayaasha Golaha Wakiiladda oo ku jiray kalfadhigoodii 45-aad.

Dadweynaha ku nool caasimada Garowe oo ay dhif iyo naadir ku ahayd dhawaqa rasaasta, ayaa caawa ku sasey rasaas xoogan oo ka dhaceysa xarunta Baarlamaanka.

Wali ma jirto cid ka tirsan Puntland oo ka hadashay arrintan ka dhacday xarunta Baarlamaanka.

PUNTLAND POST