Abdulqadir Mumin oo sheegay in uu daacad u noqon doono hoggaanka cusub ee Daacish

Hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya

Hoggaamiyaha garabka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland (Somalia), ayaa wacad ku maray in uu daacad u noqon doono hoggaanka cusub ee loo magacaabay ururka Daacish, kadib markii la dilay Abu Bakar Al-Baghdadi.

Garabka Daacish ee Soomaaliya, ayaa barta internet-ka ee Telegram ku baahiyay sawirka hoggaamiyahooda, Abdulqaadir Mumin oo geed hoostiis fadhiya, islamarkaana ay weheliyaan xubno ka tirsan kooxda.

Qoraal kooban oo la soo raaciyay sawirka, ayaa Abdulqaadir Mumin ku ballan-qaadayaa in uu daacad u noqon doono hoggaamiyaha cusub ee urur weynaha Daacish, Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurashi.

Hoggaanka cusub ee Daacish ayaa la magacaabay, kadib markii ciidamada Maraykanku ay 26-kii bishii tagtay ee October hawlgal qorshaysan ku dileen hoggaamiyihii hore ee ururkaasi Abu Bakar Al-Baghdadi.

PUNTLAND POST