Mid kamid ah xildhibaannada Golaha Wakiilada dowladda Puntland, ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in uu iska casilay xubinimada Baarlamanka.
Xildhibaan Mahad Maxamed Warsame oo laga soo doorto gobolka Bari, ayaa qoraal uu u diray Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland,wuxuu ku shaaciyay in uu duruufo isaga u gaar ah isaga casilay xubinimada Golaha, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin duruufahaasi.
Booska uu xildhibaanku iska casilay, ayaa beddelkiisa in ay soo xulaan laga sugaya nabaddoonada iyo isinka Beeshiisa, kuwaasi oo xubinta cusub u gudbin doona Golaha Wakiilada, si ay u ansixiyaan.
PUNTLAND POST