Mr. McCarter: Soomaaliya duulaanka Kenya baa uga daran Al-SHabaab!

 Kenya waxay il ka garatay in gobol dhan oo Soomaaliyeed uu  guumeystihii  u hadiyeeyay oo aysan cidna kula dagaalin, waxay il ka garatay in isla guumeystihii uu ciidamo ilaaliyo u keenay, waxay haddana ogtahay in kuwii xaq-darradaas ku soo garab taagnaa ay joogaan iyadoo ka filaysa in qaybo ka mid ah biyaha badda koonfureed ee Soomaaliya ay mar kale u hadiyeeyaan!…Run ahaan Kenya waxba innagama aysan waayin. Tan iyo muddadii ay dadka Soomaaliyeed ku qaxeen dalka Kenya waxay Soomaalida aad xiriir dhow ula samaysteen guud ahaan shacabka iyo dowladda Kenya, waxayna rumaysnaayeen in labada dal ay yeelan karaan xiriir aad u qoto dheer, waxayna si kalsooni aan xudduud lahayn oo aan qarsoonayn ay hantidoodii iyo naftoodii ugu aamineen dalka Kenya. Hasa ahaatee ifafaalaha siyaasadda dowladda Kenya ee hadda muuqda wuxuu muujinayaa wax ka duwan sida ay dadka Soomaaliyeed is moodsiiyeen,  waxayna  Kenya u muuqataa inay raadinayso wax horay loo baray oo ah in dhul Soomaaliyeed loo boobo hadana lagu ilaaliyo!….

Waxaa hadal laga xumaado ahaa in safiirka dowladda Maraykanka u jooga dalka Kenya uu ku faano inuu la hadlay madaxweynaha Soomaaliya oo uu u sheegay in dacwadda badda Soomaaliyeed ee la boobayo laga soo celiyo maxkamadda ay taal oo lagu dhameeyo wada hadal dhex mara labada dal, waxaa taas ka sii darnaa oo hadal lagaad iyo jees-jees ah oo uu yiri labada dal waxaa ka dhexeeya wax intaas ka weyn oo ah la dagaalanka Al-SHabaab!…Al-SHabaab?!…arrintan waxay u marqaati kacaysaa tuhunkii ay wax-garadka Soomaaliyeed qabeen oo ahaa in magaca Al-SHabaab loo adeegsanayo dano kasta oo guracan oo Soomaaliya laga leeyahay!… Al-SHabaab waa magac la buunbuuniyay, waxaana hadda socda olole dagaal oo ka dhan ah oo ay shacababka Soomaaliyeed isaga celinayaan Al-SHabaab markii ay dareemeen Al-SHabaab inay ka macnayaal badantahay magacaas, waxaana meelo badan oo ka mid ah gobollada Koonfureed ee dalka kula dagaalamaya oo iska xoreeyay dad shacab ah oo is abaabulay oo aan waliba qoryo waaweyn iyo hub culus aan wadan (Macawisleey) kuwaas aan wax gacan ah ka helin dalal shisheeye iyo dowladda dalka ka jirta midna.  

Safiir, Kyle McCarter, hadalka ka soo yeeray waa mid macno u samaynaya tuhunka dadka Soomaaliyeed iyo wixii ay dareemayeen ee ahaa inuu gar-daro cad kula saftay dal u soo bareeray inuu ku soo xad-gudbo xuduudda Soomaaliya, waliba xilli ay Soomaaliya ku jirto xaalad adag dhankii laga eegaba, waxayna arrintan dad badan xasuusinaysaa sidii guumeystihii Ingiriirska uu dalkooda u qaybiyay isla markaasna u gobol Soomaaliyeed u raaciyay dalka Kenya. Waxaana jira in badan oo shacabka Soomaaliyeed ah oo  rumaysan in dib loogu noqday xilliyadii guumeystaha, madaxda dalkana aysan ahayn rag adag oo xilligaan qalafsan oo cadow badan uu dalkii soo haliilay ka saari karaaya, hadalka safiirkana waxay rumaysanyihiin inuu ahaa amar uu siiyay Madaxweyne Farmaajo oo dad badan ay rumaysanyihiin inuu yahay nin jilicsan oo u dhega nugul awaamirta shisheeyaha isagoo waliba lagu dhaliilo inuusan shacabka u sheegin waxa ay ka wada hadlaan isaga iyo siyaasiyiinta shisheeyaha ah, laakiin sida hada Kyle McCarter uu sameeyayba waxay shacabka Soomaaliyeed xogta kulannada uu siyaasiyiinta iyo ergooyinka shisheeyaha ah uu Farmaajo la yeesho ka helaan siyaasiyiinta shisheeyaha ah!…Waxaana hadalka McCarter cadayn u yahay inay jiraan arrimo badan oo halis ah oo uu Farmaajo ka qariyay shacabka Soomaaliyeed siiba shirarkii uu la gelayay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed!

SHaki la’aan waxaa ah in dadka Soomaaliyeed ay ogyihiin duulaanka lagu soo qaaday dalkooda, waxaana intaas dheer inay meel kasta oo ay joogaanba aysan dalkooda ku haleynayn madaxda ay ogyihiin ama tuhunsanyihiin in qaarkood la keensaday, qaarkood la laaluusho, qaarkoodna la cabsiiyo, waxayna si dhow ula socdaan oo indhaha ku hayaan duullaanka qaawan ee horornimmada ah ee ay dowladda Kenya ku soo qaadday xudduudda biyaha Soomaaliya, waliba inta badan shacabka waxay rumaysanyihiin in gar-darrada bareerka ah ee ay Kenya kula kacday Soomaaliya ay tahay gar-darro garab og! Isla markaasna aysan hurayn in dadku dalkooda difaacdaan! Kenya haddii ay la weyntahay la dagaallanka Al-SHabaab, shacabka Soomaaliyeed waxaa taas kala weyn inay dalkooda difaacdaan naftoodana u huraan  ilaalinta xudduudihiisa iyo qaranimmadiisa.

Oktoobar 16, 2011, Markii ugu horeysay ee ay ciidammada Kenya ka soo tallaabeen xadka labada dal way iska cadayd in Kenya ay ku socotay shax lagu soo dhiiri geliyay, waxaana isla markiba arrintaas ku taageeray dowladda Israa’iil iyadoo sheegaysa inay Kenya ka caawin doonto difaaca dalkeeda isla markaasna gacan ka siinayso xagga gaashaan-dhigga iyo taba-barrada ciidammada! Hasa ahaatee xaqiiqda qarsoonayd waxay ahayd duulaanka ay hadda ku hayso biyaha Soomaaliyeed, joogitaankeeda Jubbada Hoosana waa qayb ka mid ah duulaankaas iyadoo qabta shaatiga AMISOM ee hadda la oran karo wuxuu noqday qayb ka mid ah gaadiidka gumeysiga iyo maqaarka ay soo huwadaan dalalka deriska ah, waxaana joogitaanka ciidammada Kenya ee gobollada Jubbada-Hoose iyo Gedo run ahaantii lagu macnayn karaa inay qabsatay gobolladaas aakhirkana ay tagayso in laga xoreeyo!… Dad badan ayaa caqligooda qaba in ciidammada Kenya ay gobolladaas u joogaan ujeeddo la xiriirta la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada laakiin xaqiiqada waxaa weeye in Kenya halkaas ay ku timid qorshe ay ka soo fekertay oo ay waliba kala soo tashatay kuwa hadda ku daba taagan ee ugu hiilinaya sidii ay u qabsan lahayd xeebta koonfureed ee dalkeenna.

Marka hore dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay ogaadaan in dowladda Kenya wixii ka horeeyay heshiis ku sheeggii xaaraanta ahaa ee loogu magac daray Memorandum Of Understanding (MOU) ee ay la saxiixatay dowladdii ku-meel gaarka ahayd ee Madaxweyne SHiik Shariif Axmed inaysan talo jirin inay wax ciidan ah oo ay leedahay ay keento ciidda Soomaaliyeed, laakiin markii la sahmiyay xeebaha koonfureed ee dalka isla markaasna ay shirkadihii sahanka sameeyay iyo Kenya isku af-garteen inay kheyraadka lagu arkay xeebahaas ay la baxaan, taasi waxay horseedday in dowladda Kenya ay 2009-kii heshiiska MOU (ama heshiis is-faham) loogu yeeray ay la saxiixato Soomaaliya si ay u hesho meel ay wax un ka bilowdo. Saxiixii heshiiskaas ka dib ayeey Kenya go’aansatay in iyadoo ka faa’idaysanaysa magaca AMISOM ay qabsato magaallada Kismaayo iyo deegaannada xudduud ahaan ku simman qaybaha badda Soomaaliyeed ee damaceedu uu yahay inay qabsato, waxaana shaki la’aan ah in Kenya aysan si quruxsan uga bixi doonin ciidda Soomaaliyeed, waana sababta aysan u joojinayn taageerrada ay u raadinayso duulaanka ay Soomaaliya ku soo qaaday.

Waxaase is weydiin mudan sababta ay Kenya u diidantahay  in maxkamad lagu kala baxo, waxaase loo qaadan karaa in sida dad badan ay moodeen aysan ahayn inay Kenya ka baqayso qaynuun iyo in laga gar helo laakiin ujeeddadeedu ay tahay inaysan rabin inay ka baxdo gobollada ay qabsatay laakii ay hadda ku joogto magaca AMISOM!…waa sida ay runtu tahay, Kenya waxay aaminsantahay inay qabsatay dhul iyo bad Soomaaliyeed iyadoo aan qofna ka dhiman, waxayna rabtaa inay sidaas ku qabsato, laakiin Kenya ha ogaato dalka dadkii lahaa buu ka maqanyahay! Hadalka Amb. McCarter, ayaa isagana loo qaadan karaa hiilo cad oo waliba kibir doqonimo ah ay ka muuqato, hiillada noocaas ahna waa sababaha mar kasta ay ka dhashaan colaadaha dami waayay  ee xudduudaha dalalka Afrika ka aloosan ee aan lahayn dhammaadka.  Kyle McCarter, waxaan leeyahay Soomaaliya waxaa Al-SHabaab uga daran duulaanka ay Kenya ku soo qaaday dalkeeda adigana sida hadalkaada ka muuqata aad taageertay, mana aha arrin ay shacabka Soomaaliyeed qaadan karayaan, waxayna keenaysaa in wax badan layska weydiiyo istaraaiijiyadda siyaasadeed ee ka dambaysa hadalka McCarter!…waxayna sabab u noqonaysa colaad iyo xiiso aan horay u jirin!…Waase iga su’aalee McCarter dacwad maxkammad hor taal inuu hor joogsado muxuu sabab uga dhigayaa oo aan ahayn inuu itaal sheeganayo?!…Aduunkase itaal waa ku kala adkaan waayay!….

W.Q:Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan