Boosaaso: Madaxweynaha Puntland oo booqday Cisbitaalka Guud iyo xarunta gobolka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey Cisbitaalka Guud ee Boosaaso iyo xarunta Gobolka Bari.

Kormeerka waxaa Madaxweyne Deni ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, maamulka gobolka, kan degmada, Taliyaha Qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

 Madaxweyn Deni ayaa ugu horeyn booqday Cisbitaalka magaalada Boosaaso, wuxuuna kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay, intaas kadibna wuxuu kulan laqaatay maamulka oo u soo bandhigay xaaladdda Cisbitaalka, madaxweynaha ayaana sheegay in siyaasaddiisa meel sare uga jirto arrimaha bulshada oo ay qaybta koowaad tahay Caafimaadka.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeer ku tegey xarunta gobolka Bari, halkaasi oo uu kula kulmay maamulka gobolka.

PUNTLAND POST