Germany oo taageertay doorashada Soomaaliya, baaq culusna udirtay DFS iyo dowlad goboleedyada

Safaaradda Germany ee Nairobi ayaa mar kale ku dhawaaqday in saddex milyan dollar ah oo hor leh ay ku taageerayso qabsoomida doorashada guud ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Germany waxay sheegtay dhaqaalahaan inuu Soomaaliya ka caawinayso in waddanka horey u socdo oo 50 sano kadib la qabto markii ugu horeysay doorashooyin dadweyne.

Celcelis ahaan, Germany waxay sheegtay maalgelinteeda nidaamka doorashada federaalka in ay ku bixinayso dhaqaale gaaraya $5.75 million, taasoo qeyb ka ah taageerada geedi socodka dimoqraadiyada nabdoon ee Somaliya.

Haddaba si taas loo gaaro, Jarmalku wuxuu ugu baaqay dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya inay gaadhaan is afgarad ku saabsan nooca doorashada iyo sharci xaqiijiin doona in doorashooyinka ay noqdaan kuwo waqtiyaysan oo la isku halayn karo.

HALKAAN KA AQRISO WARSAXAAFADEEDKA.

PUNTLAND POST