Maxkamadda ICJ oo mar kale dib u dhigtay dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamada ICJ ayaa galabta go’aamisay in dhegaysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigo.

Warka ka soo baxay maxkamadda Cadliga Adduunka ee ICJ ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay kiiska ilaa June 8- 12, 2020 iyadoo Maxkamadda go’aankeeda ku caddaysayy in ay filayso in labada waddan u yimaadaan dhegaysiga maxkmada,Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin.

Ku simaha ra’iisulwasaaraha dalka ahna ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowlada soomaaliya soo dhawayneyso go’aanka kama dambeysta ah ee ay maxkamadu qaadatay.

Kenya ayaa marar badan sameysay isku dayo ay ku dooneyso in ay ku baajiso Maxkamadda iyadoo dooneysa in si hoose ay labada wadan u xaliyaan kiiska.

Hoos ka daawo hadalka ra’iisul wasaaraha

PUNTLAND POST