Guddoomiyaha degmada Buurtinle oo hab gacan-taag ah loo doortay

Xildhibaannada golaha degaanka degmada Buurtinle ayaa xalay doortay guddoomiye iyo ku xigeen cusub.

Doorashad guddoomiyaha degmada Buurtinle ayaa hab gacan-taag ah u dhacday kadib markii uu tanaasulay mid kamid ah laba musharrax oo u tartamayey waxaana xilka guddoomiyaha ku guulaystay Sayid Maxamuud Xirsi oo habkaasi gacan-taaga ah loogu codeeyay sida ay shaacisay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Sidoo kale doorashada guddoomiye ku xigeenka degmada oo u dhacday habka qarsoodiga ah ee sanduuqa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Saalax Maxamed Cabdulle iyo Cali Geelle Maxamed waxaana ku guulaystay Saalax Maxamed Cabdulle oo helay 11-cod halka musharraxa kale uu helay 9-cod oo keliya.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo markii doorashadu dhammaatay khudbad u jeediyay maamulka cusub ee la doortay ayaa kula dardaarmay in ay la yimaadan hindise cusub oo ku dhisan wadajir iyo midnimo ku jihaysan hormarinta degmada Buurtinle.

Halkaan ka daawo hadalkiisa wasiirka

PUNTLAND POST