Maxkamadda magaalada Boosaaso oo siidaysay siyaasi Muuse Cali jaaamac

Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee degmada Boosaaso Abukar Cabdinuur Jaamac ayaa warbaahinta Puntland post u sheegay in dib xorriyaddiisa loogu celiyay siyaasi Muuse Cali Jaamac oo maalmo ka hor lagu xiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in siyaasiga loo haystay gef uu ka galay laamaha garsoorka Puntland kadib markii uu ku eedeeyay in ay laaluushka qaataan isagoo aan wax caddayn ah u haysan sidaasi darteedna maxkamadda lagu geeyay balse markii dambe cafis loo fidiyay iyadoo la tixgeliyay da’diisa iyo caafimaadkiisa.

Guddoomiye Abukar ayaa xusay in maxkamadda la horkeenay muuqaal uu ka hadlayo siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kalmado ihaano ah ka sheegaya laamaha garsoorka hase ahaatee aan wax caddayna soo bandhigin sidaasi darteedna ku mutaystay xukun saddex sano oo xarig ah balse laga cafiyay markii la tixgeliyay da’diisa iyo xaaladdiisa caafimaad.

Halkaan ka daawo wareysiga guddoomiyaha

PUNTLAND POST