Liiska cusub ee Golaha degaanka Buurtinle oo la shaaciyay

Wasiir Dhabancad

Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa saaka shaacisay liiska cusub ee xildhibaannada Golaha degaanka Buurtinle kadib markii la xalliyay khilaaf ka taagnaa xulista xubno kamid ah golahaasi.

Golaha cusub ee degaanka degmada Buurtinle ayaa ka kooban 22 xubnood waxaana ku jira 7 dumar ah sida ka muuqata liiska ay shaacisay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo kadib markii la shaaciyay liiska warbaahinta la hadlay ayaaa bulshada degmada Buurtinle ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan xubnaha loo soo xulay degmada.

Sidoo kale wasiirka ayaa halkaasi ka shaaciyay in maalinta berriya la qaban doono doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenka Golaha degaanka Buurtinle isagoo xildhibaannada cusub kula dardaarmay in ay dad ka soo bixi kara xilkaasi u doortaan.

Degmada Buurtinle waxa maalmahan ka taagnaa khilaaf ku salaysan hannaanka xulista xildhibaannada golaha degaanka taasi oo keentay in shalay malayshiyaad caraysan ay qabsadeen xarunta dowladda hoose oo ay ka socotay hawsha xulista xildhibaannada inkastoo markii dambe la xalliyay.

Halkaan ka daawo shaacinta liiska iyo hadalka wasiirka

PUNTLAND POST