Abshir Bukhaari oo si adag uga horyimid hindise uu soo jeediyay Juxaa

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), ayaa si adag uga horyimid hindise uu soo jeediyay wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid (Juxaa), kaasi oo ahaa in dalka laga hirgeliyo Nidaamka loo yaqaan Confederalism-ka

Guddoomiye Bukhaari, ayaa sheegay in Nidaamka Federalism-ka uu noocya badanyahay, balse dadka Soomaaliyeed ay qaateen Federal ku dhisan maamul baahin, si adeegyada as’aasiga ah loo gaarsiiyo dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Waxaase uu ka digay Nidaamka Confederalism-ka oo uu ku tilmaamay mid loogu tala-galay dad aan wax badan wadaagin, islamarkaana sida uu xusay dhibaato ku ah midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Mudane Bukhaari ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka midaysan yihiin dhammaan waxyaabaha bulsho mideeya sida Diinta, Dhaqanka iyo Luuqadda, sidaasi darteedna aysan meelna ka soo gelin Confederalism system.

Waxa kale oo uu sheegay in dalka midnimadiisa iyo isku hayntiisa aysan marnaba gorgortan geli karin.

Hoos ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST