Odayaasha gobolka Bari oo eedaymo kulul u jeediyay xukuumadda Puntland

Xubno ka tirsan hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada gobolka Bari oo shir ku yeeshay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi, ayaa sheegay in ay si adag uga soo horjeedan hannaanka xukuumadda Puntland ee haatan jirta ay u wajahayso arrimaha qaar

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay curyaamin ku hayso ilaha dhaqaale ee gobolka Bari, islamarkaana ay cadaadis iyo cabburin saartay bulshada ku dhaqan gobolkaasi, gaar ahaanna magaalada Boosaaso, si aysan cabashadooda u soo bandhigin.

Waxay xukuumadda ku eedeeyeen in ay kaabayaashii dhaqaalaha magaalada Boosaaso sida, dekeddii iyo garoonkii ay gacanta u gelisay shirkado shisheeye, kuwaasi oo aan wax shaqo ah ka qaban, balse doonaya in ay curyaamiyaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale, waxay ka hadleen arrimo kale oo la xiriira guud ahaan xaaladda Puntland iyo siyaasadda xukuumadda madaxweyne Deni ee ku wajahan dowladda Federaalka iyo dalalka debadda.

Haddaba, Muuse Cali Jaamac oo kamid ahaa odayaashii shirka qabtay, ayaa warbaahinta Puntland Post uga warramay nuxurka bayaan ay ka soo saareen shirkaasi.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST