Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka Beerta midnimada ee hoggaamiyeyaasha dalalka Geeska Afrika

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee Labada Dal.

Mudane Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey Dalka Itoobiya ayaa aad u bogaadiyay hirgelinta fekerkan oo sida uu sheegay ah ahmiyad weyn u leh Dadyowga ku dhaqan Waddamada Bariga Afrika.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada Dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyneyaasha Dalalka Uganda , Yoweri Museveni, Kenya Uhuru Kenyatta, Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit, Raiisul Wasaaraha Dalka Suudaanta Waqooyi Cabdalla Xamduuk iyo wufuud kale oo ka socotay Dalalka Gobolka.

Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada

PUNTLAND POST